Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa socdaal ku gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Wasiir Cabdisaciid Muuse iyo wafdiga la socday ayaa Magaalada Addis Ababa uga qeyb galay xafladda furitaanka Shirweynaha 40-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika oo ka dhacaya Magaaladaas.
Shirkaan oo looga hadlayo muddada uu socdo arrimo badan oo muhiimad gaar ah u leh Qaaradda Afrika ayaa maanta waxaa ka qeyb galay furitaankiisa Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdisaciid Muuse Cali ayaa furitaanka Shirweynaha 40-aad ee Golaha fulinta Midowga Afrika ka jeediyay khudbad uu uga hadlay xaaladda dalka iyo tan Gobolka.