HomeWararWafdi ka socday DFS oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Abaaraha...

Wafdi ka socday DFS oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Abaaraha iyo Aafooyinka jira

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kaga qeybgaly magaalada Addis Ababa shir heer sare ah oo ay soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD. Shirkan oo soconayay muddo seddex maalin ah ayey kasoo qaybgaleen dowladdaha Xubnaha ka ah Maamul goboleedka IGAD, waxaana looga hadlayey joogtaynta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa kaga qeybgaly magaalada Addis Ababa shir heer sare ah oo ay soo qaban qaabiyeen Urur goboleedka IGAD.

Shirkan oo soconayay muddo seddex maalin ah ayey kasoo qaybgaleen dowladdaha Xubnaha ka ah Maamul goboleedka IGAD, waxaana looga hadlayey joogtaynta xalka Waara ee U-adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka.

- Advertisement -

Shirka ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo waxqabadka Bini’aadantinimo, Joogtaynta xalka Waara iyo Sare u qaadida u adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa ka warbixiyey Xaalada Abaaraha Dalka iyo saamaynta ay ku yeesheen dhamaan bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan sida ba’an ay u saamaysay dadka, xoola dhaqatada iyo sugnaanta cuntadda ee dalka.

Wasiiirka ayaa ku tilmaamay Abaarta ka dhacday Soomaaliya ay tahay mid aad u daran, Abaarahan kusoo noq-noqday Soomaliya sannadihii la soo dhaafay in ay abuureen u nuglaansho joogto ah  ee abaarta iyo aafooyinba kale oo ay weheliso cunto-yaraan, caqabado dhaqaale oo baahsan, barakac, iyo dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo bani’aadanimo, gaar ahaan bulshooyinka reer miyiga ee xoolo dhaqatada.

- Advertisement -

Si xal-waara loogu helo abaaraha soo noqnoqonaya ayuu Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Maxamed Aadan Macalin (Somali) ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto xaaladaha cakiran ee iminka jirta Soomaaliya.

Wasiiir Maxamed Soomaali waxa uuu ku booriyey siyaasado iyo barnaamijyo ka turjumaya Dowladaha Xubnaha Urur Goboleedka IGAD, kuna jihaysan baahiyaha ballaaran ee xoolaha sida Daaqa, Biyaha, Caafimaadka Xoolaha, Wax-soosoorka Xoolaha iyo Sare u qaadida Nolasha Bulshooyinka Xoola Dhaqatada iyo dadyawga Reer miyiga ah.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isla gaaray is afgarad u dhexeeya dalalka ku bahoobay maamul gobeleedka IGAD ee Madasha Hindishaha Joogtaynta Xalka Waara ee u adkaysiga Abaaraha iyo Aafooyinka ee loosoo gaabiyo IDDRSI iyo sida  taageero loogu heli lahaa mashaariicda IDDRSI isla markaana la iskaga kaashan lahaa dhaqan galintooda.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts