Wafdi ka socday Burundi oo soo gaaray Muqdisho, lana kulmaya Madaxweynaha

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta soo gaaray Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi Albert Shingiro iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho qaadan doonta labo maalmood ah dalka ku yimid.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa wafdiga ka socday Burundi kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Haruushe iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Federaalka.

Wasiir Cumar Haruushe ayaa kulan hordhac ah la yeeshay dhiggiisa Wasiir Albert Shingiro, isla markaana waxa uu uga mahadceliyay taageerada xagga ammaanka ah ay dowladda Soomaaliya siiyaan, iyagoo qayb ka ah hawlgalka ATMIS.

Wafdiga Wasiirka oo uu ka mid yahay General Silas Ntigurirwa oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Burundi ee dhanka  Ciidamada ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida uu qorshahu yahay, Wasiirka Arrimaha dibedda iyo horumarinta Iskaashiga ee Jamhuuriyadda Burundi Albert Shingiro ayaa Madaxda la wareegi doona dhanbaal ay ka sidaan Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor