Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Magaalada Laascaanood

Wafdi ka socday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Soo loo bilihii lasoo dhaafay ay socdeen dagaallo culus.

Wasiir Jaamac Xasan ayaa kulamo la qaatay qaar kamid ah Guddiga 33-da xubnood ee SSC, isla markaana ka xog wareystay xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaallada ka socda Laascaanood ee u dhexeeya ciidanka SSC iyo ciidanka maamulka Somaliland.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay Laascaanood, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed oo gaaray inata badan dhismayaashii magaalada.

Wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, Jaamac Xasan Khaliif ayaa noqday Wasiirkii ugu horreeyay ee ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ee safar ku taga Laascaanood oo bilhii lasoo dhaafay ka dhacayeen dagaallo lagu hoobtay,

Booqashada wasiirka boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa kusoo aadeyso, xilli ay mar kale dib u qarxeen dagaallada u dhexeeyo labada dhinac oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacay bariga iyo galbeedka magaalada Laascaanood.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor