Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo Maanta u duulay Bardaale

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka ambabaxay Wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran, iyagoona kusii jeeda Degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Guddoomiyihi Hore ee Baarlamanka Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur Madoobe, isla markaana waxaa  qeyb ka ahaa Guddiga Madasha Xisbiyada Qaran ee loo magacaabay gurmadka Fatahaadaha dalka.

Sidoo kale Wafdigan ayaa Degmada Bardaale gaarsiin doona gurmad loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaada Biyaha roobabkii dhawaan ka da’day degmadaas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in wafdiga uu hogaaminayo Sheekh Aadan Madoobe ay Bardaale u wadan lacag gaareysa $100,000 oo Madasha Xisbiyada Qaran ugu talagaleen in lagu caawiyo dadkii ka barakacay Bardaale.

Si kastaba Madasha Xisbiyada Qaran ayaa shalay deeq gargaar ah gaarsiisay dadkii ka barakacay Magaalada Baladweyne, isla markaana uu sameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media