Wafdi ka socda Jubbaland oo gaaray Magaalada Addis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, iyagoo ka ambabaxay Kismaayo.

Maxamuud Siyad Aadan ayaa waxaa socdaalka ku welinayay Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulkaas, waxaana garoonaka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Wafdigaan ka socday dowlad Goboleedka Jubbaland ee tegay Addis Ababa ayaa Casuumad rasmi ah ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, iyagoo kulan la qaadan doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladdaas.

Dhinaca kale weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ku aadan socdaalka wafdiga ka socday iyaga ay Maanta oo Iniin ah ku gaareen Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media