Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta qaabiley wefdi ka socday dalka Holland oo ay hoggaaminaysey Elin Hilwig oo ka soctay Safaaradda Holland ku leedahay Nairobi.
Xubnaha wafdigan oo ka kala socday wasaaradda arrimaha dibeda, qaybteeda iskaashiga caalamiga ah, safaaradda Holland ku leedahay dalka Kenya gaar ahaa Magaalada Nairobi, bankiga horumarinta ee dalka Holland, machadka cilmibaadhista dhaqaalaha dalkaasi iyo hay’ado kale oo muhiim ah.
Waxaanu safarka wefdigu la xiriiray inay wax ka ogaadaan horumarka Somaliland ka hana qaaday iyo sidii ay taageero buuxda ugu geysan lahaayeen arrimaha bulshada, shaqo abuurka dhalinyarada iyo gacan siinta arrimaha sharciga. Sidoo kale waxa ay goob-joog u ahaan doonaan xafiis lagu magacaabo “Holland House” oo laga furidoono caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Kulankaasi waxa madaxweyne ku xigeenka ku wehelinaayey wasiirka wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland.