Wafdi ka socda Hay’adda laanqayrta Cas oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

“Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media