Wafdi ka socda Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Baydhabo

Xubno ka socda Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ayaa Maanta oo sabti ah gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigaan oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal Mowliid Mataan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Guduud ee Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Ujeedka Guddoomiye Mowliid Mataan iyo wafdiga la socda uu yahay dardar-gelinta shaqooyinka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Baydhabo.

Sidoo kale Mowliid Mataan ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Guddiyada hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed, iyagoona kala hadli doona qabashada doorashada Aqalka Sare.

Si kastaba Maamulka Jubbaland oo kaliya ayaa qabtay doorashada Aqalka Sare, halka weli uusan jirin dhaq-dhaqaaqyo kale oo ka socda maamul Goboleedyada oo ku aadan qabshada doorashadaas oo dib u dhac ku yimid.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor