Golaha Ammaanka ee QM oo booqanaya Dalal ay Kooxda Boko Haram dhibaataysay.

15-ka Danjire ee Golahaasi waxaa maanta u bilaabantay Booqasho Hawleed oo ay ku soo qiimeynayaan xaalladda Abaaraha iyo Biyo-yarida ka jira Afrika.

Wafdiga waxay kaloo soo eegi doonaan dareenka Caalamka ee dhibaatadda haysata 21-million oo qof oo ku kala nool dalalka Nigeria, Chad, Cameron iyo Niger.

Xubnaha Golaha Amamanka ee QM waxay la kulmi doonaan Hoggaamiyayaasha, Kooxaha Bulshadad Rayidka, waxayna booqan doonaan Xerooyinka ku yaalla dalka Cameroon iyo W/bari Nigeria, halkaasi oo gabaad u ah ku-dhawaad 2.3 million oo qof ooa ka barakacay Gobalka.

Dhinaca kale, 14 Dowladood ayaa isbuucii hore 672-million oo Dollar ugu deeqay dalalka ku teedsan Harada Chad, iyadoo ay Biyaha Haradaasi  10% hoos u dhaceen Heerka Biyaha marka loo eego sannadihii 1960-aadkii.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media