Wafdi ka socda Dowladda Talyaaniga oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa soo gaaray wafdi ka socday dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayay Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo, iyadoo siweyn loo soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Wasiirka difaaca Talyaaniga kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda xil-gaarsiinta iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka difaaca Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa inta uu ku sugan yahay Caasimadda dalka ee Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa  Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Dowladda Talyaaniga ayaa kamid ah dowladdaha xiriirka wanaagsan la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana Talyaaniga uu gudaha dalka ka fuliyay mashaariic, sidoo kalena dowladda ka taageera dhinacyo kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor