Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo dalka India u tagaya siideynta Muwaadiniin ku xiran dalkaas

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso in wafdi ay ugu dirto dalka India halkaas oo ay ku xir xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood loo heesto in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

Xogta ay heleyso Idaacadda Dalsan ayaa waxa ay sheegeysaa in Xubno uu ka mid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir kuwaaso oo dowladda India kala hadli doona siideynta Dhalinyarada Sooamaliyeed ee u xiran.

Masuuliyiinta dowladda ayaa waxaa lagu wadaa inta ay dalka India ku sugan yihiin waxa ay booqan doonaan Magaalooyinka  Hyderbad iyo Mombai ee dalka India halkaas oo ay ku xiran yihiin badankood muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada dalka India ayaa waxa ay horay u ansixiyeen heshiis ku aadan isdhaafsiga Maxaabiis Wadamada Soomaaliya iyo India,kadib dadaal ay sameyeen madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media