Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galaya Dooxa

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Guddoomiye Baashe Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa waxaa dalka Qatar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas iyo xubno kale oo ku sugan Qatar.

Ujeedka Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya ee Dooxa ayaa waxaa ay tahay sidii uu ka qeyb geli lahaa shirka 2aad ee heerka sare ah ee shabakada hufnaanta Garsoorka Adduunka, kaasi oo Maanta si rasmi ah u furmay.

Shirkan 2aad ee heerka sare ah ee shabakada Garsoorka Adduunka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa xaqiijinta Garsoor hufan oo madax banaan, waxaana qeyb galeysa Madax kala duwan oo ka socota dalalka Caalamka.

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Dooxa ee Caasimadda Qatar ayaa waxaa kulamo kala la qaadan doonaa Madaxda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirkaas oo maalinta berri lasoo Gaba-gabeeyn doono..

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media