Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda xilgaarsiinta Dr. Axmed Xuseen Macalin Gurrey iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Wafdiga Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo ay kamid ahaayeen la taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Cali Faarax Seeraar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan Galmudug.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumada Dr. Axmed Xuseen Macalin Gurrey ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkooda ay la xiriirto u kuurgelidda adeegyada aas-aasiga ah Caafimaadka ee ka jira deegaananda Galmudug.

Dr. Axmed Gurrey ayaa sheegay in safarkooda uu qaadan doono maalmo, isla markaana ay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha caafimaadka ee degmooyinka Galmudug, iyadoo la filayo in ay uga sii gudbaan dowlad goboleedyada kale ee dalka.

La-taliyaha arrimaha bulshada ee Xafiiska Madaxweyne Farmaajo Cali Faarax Seeraar ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in kormeerkooda xoojin doono dadaallada lagu horumarinayo adeega aas-aasiga ah ee Caafimaadka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor