Wafdi ka socda dowladda oo ku wajahan Baladweyne

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Sabtidii shalay waxa ay ku dhawaaqday in iyada oo kaashaneysa bulshada qeybaheeda Kala duwan ay ka jawaabayaan dhibaatada fatahaada Wabiga uu u geystay Shacabka Baladweyne.

Maanta oo Axad ah ayaa lafilayaa in ay magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ay gaaraan qaar ka mid guddigii ka koobnaa 22  xubnood oo ay shalay u magacaawday xukuumadda soomaaliya in wax laga qabto dhibaatada ka taagan Baladweyne.

Guddigaan ayaa waxaa guddomiye u ah ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana guddigaan ay qiimeyn ku soo sameyn doonaan inta ay la egtahay dhibaatada ka jirta Baladweyne .

Garoonka diyaaradaha Baladweyne ayaa xiran kadib markii roobkii guga uu halkaasi ka da’ay waxaana suurtagal aheyn in diyaarad ay halkaasi ku degto marka laga reebo diyaaradaha Helacoptar-ka.

Inta badan Shacabka Baladweyne ayaa barakacay, iyaga oo aaday deegaanka Ceel jaale iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan si uusan waxyeelo ugu geysan fatahaada wabigaShabeelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media