Wafdi ka socda dowladda oo gaaray Magaalada Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa markii ay gaareen Baydhabo waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin  ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.

Ujeedka wafdiga ka socday dowladda ee Baydhabo ayaa waxaa tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Shirka ololaha wacyigalinta arrimaha dib u eegista dastuurka, kaasi oo Maalinta berri ka furmaya halkaas.

Sidoo kale Shirkaas ayaa waxaa ka soo qeyb galaya bulshada ku dhaqan Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana waxaa looga hadli doonaa arrimaha dib u eegista dastuurka dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media