Wafdi ka socda Dowladda oo gaaray degmo tirsan Gobolka Gedo

Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana wafdiga si weyn usoo dhaweeyay maamul ka degmada, saraakiisha ciidan ka ee  halkaas ku sugan iyo qaybaha kale ee bulshada.

Ujeedka ay wafdigaan Baardheere u gaareen ayaa ah sidii ay u daah furi lahaayeen dhismaha Buundada Baardheere oo ah mid u baahan dayactir ballaaran, waxaana Buundada degmada ka muuqda bur-bur aad u weyn oo gaaray.

Wafdiga ayaa isugu jiray Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka,  waxaana ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka sare ee Baarlamanka Dowladda Federaalka Mawliid Xuseen Guhaad, iyagoo sheegay in ay billaabayaan dhismaha buundada oo baahi weyn ay u qaban shacabka ku nool degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qalabkii dhismaha iyo  Injineeradii dhisi lahaa ayaa la geeyay halkaas sida ay sheegeen wafdiga degmada gaaray, waxaana la filayaa ay bilaabato dhisidda Buundada.

Guddoomiyaha degmada iyo shacabka ku nool  Baardheere ayaa soo dhaweeyay mashruucaan lagu dhisaaayo Buundada degmada, wadayaasha gaadiidka ayaa si gaar ah usoo dhawweyay arrintaan, waxaana ay tilmaameen in ay fududaan doonto isku socodka guud ee degmada iyo degmooyinka kale.

Dhismaha  Buundadaan aaya waxaa horay ugu yimid dib u dhaca, waxaana horay la isugu dayay in la dhiso, balse laguma guulaysan, hadda Xildhibaanada ku matala degmada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u istaageen dhisidda Buundada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media