Wafdi hordhac u ah Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Garoowe

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta kusii jeeda wafdi hordhac u ah safar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku tegayo Magaaladaas, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo.

Wafdiga hordhaca u ah Madaxweynaha ayaa waxaa hoggaamin doona Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda oo ayna qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, kuwaasi oo saacadaha soo socda gaaraya Garoowe.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan in Garoowe u tagayo sidii uu xal ugu heli lahaa tabashooyin maamulka uu hoggaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ka qabaan dowladda Federaalka iyo sidii maamulkaasi u taageeri lahaa xukuumadda cusub.

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu maalinta berri oo khamiis ah u safrayo Garoowe, wuxuuna halkaas kulamo kula yeelan doonaa Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo damac uga jiray xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in loo magacaabo ayaa saluugay magacaabista Xamse Barre oo kasoo jeeda Jubbaland, waxa ayna taasi keentay in khilaaf hoose soo kala dhax galo Dowladda iyo Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor