Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa Goordhow waxaa gaaray wafdi hordhac u ah Safar Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho uu halkaas ku tegi doono.
Wafdigaas ayaa isugu jira xubno ka tirsan xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Finish iyo Agaasimeyaal ka tirsan Xafiiskiisa, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa Magaalada Dhuusamareeb tegaya Maalinta Berri oo Isniin ah, isagoo ka soo qayb galaya Shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada uga furmaya halkaas.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, iyagoo ka qeyb galaya Shirka.
Ammaanka guud ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxaa sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka dowladda federaalka, Galmudug iyo kuwa la socda Madaxda maamulada dalka ka jira.