Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa Maanta xiran Wadooyinka qaar ee Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo xiray.

Gaadiidka dadweynaha qaarkood ayaa Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay u diidayaan inay isticmaalaan,waxaana Isgoysyada xiran ka mid ah kuwa ku teedsan Wadada Maka Almukarama sida,Banaadir Soobe Taleex iyo qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha.

Sababaha wadooyinka loo xiray ayaa lagu sheegay inay tahay dabaaldega Sanad-guuradii 75aad ee Aas-Aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa Muqdisho.

Madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo,wasiiro iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa ka qeybgeli doona munaasabadda.

Ammaanka Magalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana xirnaanshaha wadooyinka ay sababeen in dadka qaarkood ay lugeeyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media