Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran,iyada aan muqdisho ka jirin wax kulan ah oo la shaaciyey, isla markaana jawiga Magaalada uu yahay mid sidii shalay ka duwan.

Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan,iyada oo dadka qaar ay lugeynayaan.

Wadooyinka xiran oo ay Wariyaasheena soo sheegayaan ayaa waxaa ka mid ah Wadada Wadnaha oo ka xiran Isgoysyada Howlwadaag Iyo Tarabuunka halka Wadada Maka Al-Mukarama inteeda badan ay xiran tahay.

Waa Maalintii labaad ay si xiriir ah u xiran yihiin wadooyinka qaar ee Muqdisho,waxaana shalay loo xiray kulan la filayey in Xildhibaanada Golaha Shacabka uu u furmo balse fowdo iyo shaqaaqo aawgeed uu u furmi waayey,balse saakay aan la ogeyn sababta loo xiray.

Dadka ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey xirnaanshaha wadooyinka oo soo now noqday,waxaana ay sheegeen in Shaqooyin badan oo ay leeyihiin ay ka baaqsadaan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media