Waxaa Maanta inta badan xiran wadooyinka Waaweyn ee ku yaalla Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa waxa ay xireen Wadooyin ka tirsan Magalada Muqdisho,sida Wadada Wadnaha iyo tan Maka Al-Mukarama,iyaga oo Gawaarida iyo Mootooyinka bajaajta u diidaya inay is ticmaalaan
Weli sidhab ah looma oga sababaha loo xiray Wadooyinkaas balse waxaa la arkayay dadka qaarkood ay lugeynayaan.
Inta badan dadka ku nool Magalada Muqdisho ayaa dhibaato kala kulma xirnaanshaha wadooyinka Magalada Muqdisho oo mararka qaar loo xiro imaanshaha Wafdi ka socda Caalamka iyo munaasabadaha ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladda.