Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo Caawa xiran iyo diyaar garoow…

Magalada Muqdisho waxaa Caawa xiran Wadooyin muuhiim ah qaarkood,waxan lagu arkayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan.

Inta badan Wadada Makala Al-Mukarama Waooyinka ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ayay Caawa Ciidamadu xireyn,waxana mararka qaar loo diidayaa in Gaadiidka ay wataan ciidamada dowladda ay maraan.

Dadka Shacabka ah ayaa badnkood lugeynaya maadaama gawaarida loo diiday in wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ay isticmaalaan.

Dhinaca kale Caawa ayaa Muqdisho waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga Munaasabada xuska 26-ka June taas oo ay ka qeyb geli doonaan Madaxda ugu sareysa dalka oo uu ka mid yahay Madaxweyne Farmaajo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor