Waddooyinka Muqdisho oo maalintii labaad xiran

Maalintii labaad waxaa xiran waddooyinka magaalada Muqdisho,waxaana saakay dadku mar kale ay ku waabariisteen Ciidamo taagan jidadka muhiimka ah oo celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Weli waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle kaas oo kulamo la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kalena Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa  Maanta waxa uu ka qeyb galayaa kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,isla markaana waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media