Waddo isku-xiri doonta Dekedda Berbera iyo Degmadda Wajaale ee dalka Ethiopia oo maanta la dhagax dhigay.

Madaxweynaha Maamulka Soomaalida Ethiopia, Mustafa Muxumad Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxay maanta ka qeyb galeen Munaasabadda dhagax dhigay Wadadaasi oo lagu qabtay magaalladda Berbera.

Waddadaasi oo dhererkeedu dhan yahay 250 KM waxaa la sheegay inay ku bixi doonto lacag dhan 100 million oo Dollar.

Dowladaha Imaaraadka Carabta, Ethiopia iyo Maamulka Somaliland waxay sannadkii hore kala saxiixdeen Heshiis ay si wadajir ah ugu horumarinayaan Dekedda Berbera.

Heshiiskaasi waxa lagu dhisay Shirkad Cusub oo maamuli doonta Dekedda Berbera, iyadoo Milkiyadda wadaagayaan Shirkadda DP World oo saami ahaan u qaadanaysa 51%, halka Maamulka Somalia ku yeelanayaan 30%, iyadoo Itoobiyana loo qoondeeyey 13% wadaagista dakhliga Dekedda.

Heshiiskaasi waxaa kaloo ka mid ah Ballaarinta iyo Qalabaynta Dekedda iyo in Malaayiin Dollar lagu dhiso Waddo cusub oo ka bilaabanaysa magaalladda Berbera ilaa Degmadda Wajaale oo ku taalla Xuduudka Ethiopia.

Ballaarinta Dekedda Berbera iyo Waddada cusub inay dowladda Ethiopia iyo Ganacsatadooda kordhiyaan Awoodooda Wax dhoofinta iyo Wax-soo-dejinta lagu taageerayo Koritaanka Dhaqaalaha Ethiopia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media