Wada hadaladii Dalka Turkiga uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa mar kale kusoo dhamamaday Natiijo la’aan, waxaana is mari maayay wafuudda labada dhinac ee ka qayb galayay labada dhinac.
Dowladda Turkiga ayaa qaadatay kaalinteeda dhex-dhexaadnimada, iyadoo marti galisay in labada dowladood ay kuwada hadlaan dalkeeda, waxaana muddo 24 saac ah oo la is hor fadhiyay gabi ahaanba la isku mari waayay qodobadii ay labada dhinac lasoo shartageen.
Dowaldda Itoobiya ayaa iska diiday inay ka laabato heeshiis beenaadkii ay la gashay Itoobiya, waxaana Soomaaliya ya dhankeeda ku adkeysatay in aysan wax wada hadal ah sii socon Karin inta Itoobiya ay ku taagan tahay mowqifkoodii ku aaddan heshiis beenaadkii ay la galeen Muuse Biixi.
Wasiirka Arrimaha dibadda oo Dowladda Soomaaliya ku matalayay shirka, ayaa sheegay in wajigii 2aad ee shirka uu soo gabo-gaboobay, Soomaaliya iyo Itoobiyana ay is fahmi waayeen, oo qodobada la isku mari waayey.
Wasiirka oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in Itoobiya damaceedu uu yahay “ku qabso ku qadi mayside” taasi oo Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin.
“Waxaa soo dhamaaday wareeggii 2aad ee wadahadlka inoo dhexeeyey annaga & dawladda aan deriska nahay.Mahad ballaaran walaalaheen Türkiye oo dadaal weyn bixiyey, gogosha 3aadna dalkooda lagu ballamay.Soomaaliya mawqifkeedu waa hal mid oo aan aqbalayn “ku qabso ku qadi mayside” ayuu ku yiri Qoraal uu soo saaray wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.