Waalidiin yarad ahaan loo siiyey jawaan Moxog (cassava bag).

Gobalka Teeso ee Bariga dalka Uganda waxaa aad raqiis u ah yaradka laga bixiyo gabdhaha la guursanayo.

Waalidiin ayaa waxay yarad ahaan u qaateen jawaan laga soo buuxiyey Moxog  la qalajiyey (A bag of dry cassava).

 

Waa yarad aad u jaban, iyadoo uu ninka ku iibsan karo xaas da’ yar lacag dhan 50,000 oo Shillin.

 

Haween u ololeysa Xuquuda gabdhaha yaryar ee dalka Uganda, oo lagu magacaabo Amina Nalu ayaa sheegtay inay hayaan warbixino muujinaya in gabdho aan qaan-gaar ahayn lagu  guursado Gobalka Teeso oo 250-KM dhanka Bari kaga toosan magaalladda Kampala.

 

Amina Nalu oo ka tirsan Hay’ad u ololeysa gabdhaha aan qaan-gaarin ayaa sheegtay inay Boliska deegaanka wax ka og yihiin in ay Waalidiinta bixiyaan gabdho ay da’dooda u dhexeyso 15 ilaa 17 jir.

 

“Haddii uusan ninku haysanin 50,000 oo Ugandha Shillings, waxa uu bixin karaa jawaan laga buuxiyey Moxog  qalalan, si uu gabar yar uga dhigto xaas” ayuu tiri Amina Nalu.

 

Sharciga Uganda ayaan oggolayn in la guursado gabdhaha ay da’dooda ka hooseyso 17 jir.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor