Waa sidee xaalada deegaano uu dagaal Khasaaro geystay ka dhacay?

Waxaa saakay xaalad deganaasho ah laga dareemayaa deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan kuwo xiga dhanka Xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya, halkaas oo ay shalay ku dagaalameen laba Maleeshiyo beeleed.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xaalada deegaanaka Furunta Foore ay degan tahay, in kastoo weli ay is hor fadhiyaan Maleeshiyaadka dagaalamay, waxaana dagaalka halkaas ka dhacay uu geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 10 Ruux oo labada dhinac ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka ku dhawaad 40 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi la geeyay Isbitaalada Cadaado iyo Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Dhinacyadii dagaalamay ay saacadihii lasoo dhaafay halayeen gurmadyo dheerad ah, waxaana laga cabsi qabaan in markale uu dagaal dhexmaro labada dhinac.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in deegaanada lagu dagaalamay ay u diri doonaan Ciidamo si loo kala dhex galo Maleeshiyaadka, isla markaana loo joojiyo Colaada uu dhiiga ku daatay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media