Waa sidee Saakay xaalada deegaanka Bariire ee G/Shabeellaha Hoose?

Ciidamada dowladda Soomaliya oo ay wehliyaan Ciidamada Amisom iyo kuwo Cadaan ah ayaa xalay Sinabad ah ugu hoyday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ay shalay Al-Shabaab kala wareegeen.

Dagaal mudo saacado ah socday kadib ciidamada Huwanta ay u suurtagashay in ay sibuuxda ula wareegaan deegaanka Bariire halkaas oo ay mudo dhowr sano ah Gacanta ku hayeen ciidamo ka tirsn Al-Shabaab.

Ciidamada Huwanta ah ayaa fariisimo ka samestay Duleedka degaanka Bariire,iyada oo la soo sheegayo in xalay xoogaa rasaas Goos Goos ah laga maqlay deegaanka Bariire.

Wararkii u dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Bariire ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu iminka ay tahay mid degan islamarkaana ciidamada Huwanta ah ay weli ku sugan yihiin Bara koontorool oo ay shalay ka sameesteen daafaha deegaanka Bariire

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media