Waa maxay cuntooyinka u wanaagsan dadka gaaska qaba?

Waxaa jiro cuntooyinka qaar Hadii aad isticmaasho gaaska kugu kicin karo, sidaas si lamid ah waxaa jiro cuntooyin kuu wanaagsan inaad isticmaasho hadaad ka cabaneyso xanuunka gaaska kuwaasoo udhigmo daawooyinka gaaska.

Cuntooyinka dadka qaar ku kicin karo gaaska waxaa kamid a

1: Cuntooyinka shiilan.

2: Cuntooyinka basbaaska leh.

3: cabitaanada iyo cuntooyinka ay aashitada kubadan tahay.

4: Cuntooyinka dufanka ku badan yahay.

Si taas lamid ah waxaa jiro cuntooyin kaa caawinaayo dhibaatada gaaska una wanaagsan qofkaste oo gaas ka cabanaayo. Cuntooyinkaas waxaa kamid ah

1: Cuntooyinka qolofta leh { fiber} hadhuudhka oo dhan, miraha macaan qudaarta, iyo digirta.

2: Cuntooyinka dufanka ku yaryahay sida kalluunka, hilibka qafiifka ah, iyo qudaarta.

3: Cuntooyinka iyo cabitaannada ay aashitada ku yartahay waxaa kamid ah qudaarta iyo digirta

4: Cabitaanada aan warshadaha lagu sameen.

5: Cabitaanada ay ku jirto maadada caffein ta.

W/Q:Dr Cabaas Tuuryare

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor