Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Soomaaliya waa Charles Nicholas King. Isniintii, May 19, 2025, ayuu si rasmi ah uga degay magaalada Muqdisho, isagoo si buuxda ula wareegay xilka safiirnimo. Charles King ayaa bishii Febraayo 2025 loo magacaabay safiirka cusub, isagoo beddelay Michael Nithavrianakis, oo xilka hayay tan iyo May 2023.
King waa diblumaasi khibrad leh oo ka tirsan Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta UK (FCDO) tan iyo 2004. Waxa uu horey uga soo shaqeeyay meelo dhowr ah, ugu dambeyntiina wuxuu ahaa Madaxa Taskforce-ka Qaza (2023–2024) iyo sidoo kale Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya (2020–2023).
Markii uu yimid Muqdisho, wuxuu ku qoray baraha bulshada:
“Waa sharaf weyn inaan bilaabo shaqadayda cusub ee Safiirka UK u jooga Soomaaliya. Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo la-hawlgalayaasheena Soomaaliyeed oo aan wax badan ka barto waddankan cajiibka ah.”