Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, gaar ahaan degmada 5aad, waxaa loo doortay in Ilhaan Cumar ay marlabaad ku matasho tartanka xisbiga Dimuquraadiga ee Aqalka Congress-ka Mareykanka.
Ilhaan ayaa wajihi doonta musharixiinta axsaabta kale ee iyagana u hanqal taagaya kursigaas oo ay iyadu ku fadhiday labadii sano ee la soo dhaafay.
Hadda, tikitka xisbiga Dumuquraadiga waxaa lhaan kula tartamayay nin Afrikaan Amerikaan ah oo lagu magacaabo Antone Melton, kaas oo ay Ilhaan loolan adag kala kulantay.
Antone Melton-Meaux, ayaa bishii hore u sheegay warbaahinta in uu sannadkii 2018-kii u codeeyay Ilhaan Cumar oo markaas u tartameysay aqalka congress-ka, balse hadda in “dadka ay qofkale doonayaan”, isagoona Ilhaan ku tilmaamay in ay tahay qof dadka kala qeybinaysa.
“Ma daneynayo magac, balse waxaan daneynayaa adeeg,” ayuu yiri Antone Melton, oo ay Ilhaan xalay kaga guuleysatay isreeb-reebka xisbiga dimuqraaddiga ee Aqalka Kongreska.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka, Melton ayaa la yimid lacag gaareysa $3.2 million oo dollarka taasoo uu ku ololeynayay, halka Ilhaan Cumar ay la timid $471,000 oo dollar, oo ah lacag aad uga yar middii uu Melton ku galay ololaha.
Ilhaan waxay deeqaha ay ku ololeyneysay ka kala heshay guud gobolada Mareykanka, iyadoo inta ugu badan ka heshay gobolka California, New York iyo meelaha ay shacabka isku-dhafka ah ku badan yihiin, sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka.
Sida lagu qoray NBC, Melton wuxuu dhankiisa deeqaha ka helay dad magac ahaan laga garanayo gobolka, kuwaasi oo taageero xoog leh u muujiyay tartankiisa.