• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Waa Kuma Mulkiilaha Sahan Research oo ay Dowladda Soomaaliya Shaqo Joojinta Ku Sameysay?

Dalsan Editor by Dalsan Editor
December 18, 2018
in Caalamka, Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 5 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa shalay qoraal ay soo saartay shaqada kaga joojisay hay’adda cilmi-baarista Sahan Research oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi, xafiis-yana ku leh Muqdisho, Hargeysa iyo UK.

Qoraalkan kuma saabsana eedeymaha loo jeediyey iyo run iyo been waxay tahay midna, ee kaliya waxaan uga hadli doonaa cidda iska leh Sahan Research iyo waxyaabihii uu horey uga shaqeyn jiray.

HAY’ADDA SAHAN RESEARCH

Sahan Research waxaa la aas aasay 2013. Waxay ahayd qiyaastii sannad uun kaddib markii Matthew Bryden oo ah aas aasaha Sahan Research uu ka fariistay shaqadiisii Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Somalia and Eritrea Monitoring Group).

Sida ku qoran mareegta internetka ee hay’adda Sahan, waxay shaqadeeda xoogga ku saartaa waddamada Bariga Afrika, Geeska iyo Bariga Dhexe halkaasoo kooxoo khibrad-layaal ah ay uga hawlgalaan. Waxay hay’adda cilmi-baaris ku sameysaa kana faallo-bixisaa arrimaha siyaasadda, amniga, nabad-dhisidda iyo habka maamulka dowladda.

Waxay kaloo wax ka qortaa arrimaha bani’aadanimmada iyo barakaca oo ay hay’ado caalami ah mashaariic uga qaadato.

YAA ISKA LEH SAHAN RESEARCH?

Matthew Bryden ama Matt Bryden waa agaasimaha fulinta Sahan Research. Waa 51 jir u dhashay Canada. Waxaa la sheegaa in markii uu ka tirsanaa Ciidamada Keydka Canada uu fasax ku yimid Afrika 1987, markaasna uu jeeclaaday inuu ka shaqeeyo mashaariicda Afrika. Sannadkii ku xigay ayuuna ka shaqo billaabay hay’adda CARE oo uu uga shaqeeyay magaalada Berbera.  Wuxuu kaloo dhowr sannadood la taliye gaar u ahaa Danjirihii Canada u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya.

Qeybta ugu xiisaha badan ee Bryden ayaa ah muddadii uu madaxda ka ahaa kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea. Dad badan uma baahna in loo sheego shaqada UN Monitoring Group.

Sannadkii 2008 ayaa Matthew Bryden loo magacaabay Xiriiriyaha Kooxda Monitoring Group. Isla sannadkaasi waxay ahayd xilligii kooxaha burcad badeedka ay ka keceen xeebaha Soomaaliya, waxayna Kooxda Monitoring Group wax ka qoreysay macaashka siyaasiyiinta Soomaalida ka heli jireen dhaqaalaha ka soo baxa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha ajnabiga.

2010- 2012

Warbixintii kooxda UN Monitoring Group ee uu hoggaaminayey Bryden ee soo baxday 2010 waxay kooxdu ku sheegtay in Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (hadda senator ka tirsan Aqalka Sare) uu lacag mushahar ah ka qaadan jiray burcad badeeddii degganeyd Eyl.  Bartamihii sannadkaasi mar aan ka qeybgalay shir jaraa’id oo uu qabtay Madaxweyne Faroole si adag ayuu u beeniyay eedeyta burcad badeeda ee loo soo jeediyay.

Sannadkii 2012 warbixin kale oo kooxdu soo saartay ayaa ku eedeysay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed musuqmaasuq xad dhaafay. Taasi waxay keentay in Dowladdii Ku-meel gaarka ee Shariif Sheekh Axmed ka soo saarto qoraal jawaab u ahaa eedeynta kooxda kuna tilmaantay Bryden “shakhsi kasoo horjeeda nabadda Soomaaliya”.

Dowladdii Sheekh Shariif waxay kaloo dalka ka mamnuucday Bryden iyadoo u jartay warqadda “persona non grata”  oo ka mamnuucaysay in Bryden, oo ku iman jiray dalka magaca diblomaasiyiinta Qaramada Midoobay, inuu dalka soo galo. Isla sannadkaasi ayuuna Bryden ka tagay shaqadii kooxda UN Monitoring Group.

BRYDEN XAASKIISA

Bryden waxaa u dhaxda gabar reer Somaliland ah. Wuxuu si fiican ugu hadlaa Af Soomaaliga.  Wuxuu mar sheegay inuu heysto baasaboorka Somaliland maadaama uu guursaday gabar reer Somaliland ah.

ERITREA

Waxaa xusid mudan in warbixinnada Kooxda Monitoring Group ee Bryden iyo saaxiibadiis ay qori jireen ay daboolka ka qaaday xiriirka Eritrea iyo al-Shabaab iyo sida Eritrea hubka ku soo gelin jirtay gudaha Soomaaliya.

RABSHADIHII BAYDHABO

Jimcihii dhowaa (14kii Disembar 2018) ayaa Wargeyska Washington Post qormo uu daabacay waxay ka faalootay xaaladda cakiran ee magaalada Baydhabo iyo doorashada Koonfur Galbeed. Qoraaga qormada Max Bearak ayaa wareystay Matt Bryden. Wuxuu Bryden dhaliilay siyaasadda qasab ku maquuniska ah ee Dowladda Federaalka kula kacayso Dowlad Goboleedyada. “Ma arko hab laga wada hadlay oo looga bixi karo xaaladdan” ayuu yiri Bryden.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin.

Previous Post

Duqeyn ka dhacday Gobolka Bari iyo faah faahin kasoo baxeysa

Next Post

Dhageyso:- Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL
Warar

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO UBAX DHIGAY TAALLADA SYL

May 15, 2025
Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party
English News

Somali Opposition Accuses President Hassan Sheikh of Undermining Unity, Federalism Through New Political Party

May 15, 2025
Next Post

Dhageyso:- Warka Duhurnimo Ee Radio Dalsan

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kismaayo – Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay si mideysan ugu istaagaan badbaadinta dalka iyo dowladnimada...

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa....

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

by Ilhaan
May 15, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah...

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

by Liban
May 15, 2025
0

Nairobi, Kenya – Mr. Mahmoud Moalim Abdulle, Commissioner of the Somali Disaster Management Agency (SODMA), has recently taken part in...

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
Warar

Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Warar

Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
Warar

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges
English News

SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day
English News

From Thirteen Sparks, a Nation Ignited: Remembering Somali Youth Day

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL
Warar

15-ka May: Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed iyo Dhaxalka Taariikhiga ah ee SYL

May 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Jubbaland: Xukun Kaligiitalisnimo ah iyo Amni Daro Ayaa Dalka Soo Food Saaray
  • Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
  • Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya
  • SODMA Commissioner Attends Nairobi Meeting to Address Climate Change and Displacement Challenges

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00