Waxaana waxii hadda ka danbeeya meesha laga saaray Cumar Faaruuq Cismaan .Waxa jira dhowr qof oo kale oo qaaradda Africa ah oo FAJ ay meesha ka saartay inkastoo la xusay in ay is difaaci karaan marka laga reebo Faaruuq.
FAJ waxaa qoraalkii shirkeedii ugu danbeeyay ee dhawaan ka dhacay Abidjan ay ku caddeeyeen in ay si buuxda u aqoonsadeen Hogaanka cusub ee NUSOJ la doortay ( Fiiri qodobka 12aad)
Waxaa sidoo kale madaxda Ururka Saxaafadda Qaaradda Afrika ee FAJ ay si kulul u cambaareeyeen faragalinta ay IFJ ku heyso qaaradda Afrika oo lagu sheegay in ay faragalineyso ururada la soo doortay iyaga oo ku qasbaya shaqsiyaad xun oo ay IFJ dabada ka riixeyso taas oo laga codsday in ay deg deg u joojiyaan.
Halkaan aqriso qoraalka ururka: