Ururka Jaamacadda Carabta oo ka hadlay xilka qaadistii Kheyre iyo fariin la diray

Uurka Jaamacadda Carabta ayaa War Cusub kasoo saaray Shirkii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Bayaan kasoo baxay Jaamacadda Carabta ayaa waxaa lagu sheegay qodobada kasoo baxay Shirklii Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, waxaana qobobada kamid ahaa oo Madaxda ay isku raaceen in Doorasha dalka ay ku dhacdo waqtigii loogu-talay.

Sidoo kale Bayaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa Madaxda dowladda iyo kuwa Maamulada loogu baaqay inay fuliyaan qodobadii lagu heshiiyay Shirkii Dhuusamareeb, si Jawi dagn loogu gaaro Doorashada dalka.

Dhinaca kale Xoghaynta Guud ee Uurka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo Go’aankii Xildhibaanada Golaha Shacaka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay kalsoonida uga noqdeen Ra’iisul Wasaarihii  Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Hadalka Xoghaynta Guud ee Uurka Axmed Abuu Al-Qeyd ee uu ku sheegay inuu  la socdo xilka qaadis Xasan Cali Kheyre ayaa Wargeyska Masraawi ee ka soo baxa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar uu ka soo xigtay Ilo rasmi ah oo ka tirsan Xafiiska Xoghaynta.

Ugu dambeyn Uurka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inay dowladda Federaalka ay ka taageeri doonaan Ammaanka iyo deganaanshaha iyo Ka-hortaga Masiibooyinka xiliyada qaarkood dhaca, iyagoona tilmaamay inay la socdaan qorshaha lagu soo dhisayo Xukuumadda Cusub ee dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media