Ururka Jaamacadda Carabta oo cambaareeyey weeraradii Alshabaab ka geysteen Hoteello ku yaallao Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Alcarabi ayaa si kulul u cambaareeyey  weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab xalay ku qadeen Hoteelladda Wehliye iyo Siyaad oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Nabiil Al-carabi waxa uu tilmaamay inay weeraradaasi lagu dilay, laguna dhaawacay dad badan oo birri-ma-geydo ah, wuxuuna falkaasi ku tilmaamay fal laga argagaxo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Alcarabi waxa uu sheegay inay Dowladaha Beesha Calaamka looga baahan yahay inay xoojiyaan Taageeradda ay Dowladda Federalka Somalia kula garab taagan yihiin dagaalladda ka dhanka ah Alshabaab.

Dhinaca kale, waxa uu carrabka ku dhuftay inay  Dowladaha Carabta kordhin doonaan taageeradda ay siiyaan  Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliya  ee La-dagaalanka Alshabaab iyo Xag-jirnimadda, waa sida uu hadalka u yiri Nabiil Al-carabi.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor