Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo toban gu’ jirsaday

Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Dr. Hassan Shire Sheikh ayaa soo bandhigay Waxqabadka Hay’adda ee tobankii sanno ee la soo dhaafay.

Hay’adda waxaa bishii November 4th ee sannadkii 2005-tii lagu dhibay Shir lagu qabtay Hotelka Lake Victoria Hotel oo ku yaala Entebbe ee dalka Uganda, iyadoo bisha November ee sannadkan loo asteeyey 10-kii Sanno ee Hawlgala Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders ).

Dr. Hassan Shire Sheikh oo toban sanno ka hor ahaa Difaace Xuquuqda Aadanaha oo masaafuris ugu noolaa dalka Canada, ayaa waxa uu inta badan waqtigiisa si Is-xilqaamid ah (Voluntary action) kula shaqeynayey Hay’adda Amnesty International ee u dooda Xuquuqda Aadanaha.

Waxa kaloo uu xubino ka ahaa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Qurbo-joogta, wuxuuna si weyn u gacan qabtay Adeegyadda dadka Magangelyo-doonka ku codsanayaan in lagu qaabilo dalal ay Canada ka mid tahay.

Waxa kaloo uu isla xilligaasi aad uga xumaa Tacadiyadda loo geysanayey dadka, wuxuuna had iyo jeer ahaa Codka Nabadda, Caddaaladda iyo Xorriyadda dadka laga dhex waayo Mujtamacooda.

Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Dr. Hassan Shire Sheikh waxa uu tan iyo markii la asaasay Ururka Difaacayaasha Bariga iyo Bartamaha Afrika ku sugnaa Xarunta dhexe ee Ururkaasi oo ku yaalla Caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Dr. Hassan Shire Sheikh markii uu yimidmagaalladda Kampala sannadkii 2005-tii waxa uu watay wax aan badnayn oo ku jiray shandad yar iyo Laptop  (A suitcase and Laptop).

Haatan,  Hawlwadeennadda iyo Shaqaalaha Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika (East and Horn of Africa Human Rights Defenders )  waxay shaqeeyaan waqti buuxa oo 24-saacadood ah , iyagoo ka shaqeeya gudaha Xafiiska iyo bannaankiisa.

Hawlwadeennadda Ururkaasi  waxay kaloo u socdaalaan dalalka Qaaraddeenna Afrika, si ay u xaqiijiyaan  badbaadada Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha, U doodaan dadka dhibaataysan iyo dhismaha Awoodda lagu xoojinayo Ururadda Bulshadda Rayidka ee Gobalka (The Regional Civil Society).

Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Dr. Hassan Shire Sheikh waxa uu  qoraal uu soo dhigay Shabakadda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee www.defenddefenders.org  kula wadaagay waxqabadkii 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

“Waxaan doonayaa inaan idiin la wadaago tobankii sanno ee la oo dhaafay. Waxaan doonayaa inaan idiin sheego arrin ku saabsan Difaace Somali u dooda Xuquuqda Aadanaha, kaasi oo ka soo horjeestay Alshabaab, laguna khasbay inuu dalka isaga soo cararo, isla markaana ay isaga iyo xaaskiisa iyo carruurtiisa kala maqnaadaan in ka badan shan sanno” ayuu yiri Dr. Hassan Shire Sheikh

Waxa uu intaasi ku daray:- “Waxaan doonayaa inaan idiin sheego sida uu ahaa muuqaalka Wejigiisa, markii uu Sarkaalkeenna Amniga dareemay inuusan ku faraxsnayn inuu Diyaaradda raaco, iyadoo aysan la soconin qoyskiisa”.

Sidoo kale, Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika  waxa kaloo uu ka hadlay arrimo ku saabsan Suxufiyiinta iyo Mucaaradka lagu la’ yahay dalka Eritrea, sababo aan la aqoonin darteeda, kuwaasi oo ay Beesha Caalamka wada illaabeen.

Dhinaca kale, Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Dr. Hassan Shire Sheikh waxa kaloo uu soo hadal qaaday caga-jugleynta lagu hayo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee dalka Kenya.

Waxa kaloo uu sheegay inay Ururradda difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ka dhisan dalalka Masar, Cameroon, Togo iyo Zimbabwe si wadajir ah uga wada shaqeynayaan dhismaha Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee The Pan African Human Rights Defenders Network.

Agaasimaha Fulinta ee Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, Dr. Hassan Shire Sheikh waxa kaloo uu shaaciyey inay bilaha soo socda baahin doonaan Taxaayaal Muuqaalo Video ah, Sawirro iyo Markhaatiyayaal Warbaahineed oo sheekooyin la wadaagayo Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika iyo Sheekooyinka khuseeya Hawlaha uu Ururka u hayo Bulshadda.

Bisha November waxaa la qaban doonaan Dabaaldeg ballaaran oo lagu maamusayo 10-guuradii ka soo wareegtay asaaskii Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxayna xafladdu ka dhici doontaa caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

La-wadaag tweeting iyo qalabka Ololaha Ururka Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ku hoos qaran Hashtag #10yearsdefendering iyo #wedefend.

Dalsan Radio

Xigasho:- www.defenddefenders.org

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor