Ururka Daalibaan oo riday Diyaarad Dagaal oo laga lahaa Mareykanka

Shabakadda Wararka Muraasiluun ayaa qortay inay Dagaalamayaasha Daalibaan diyaaradaasi ku soo rideen W/bari ee dalka Afganistan.

Diyaaradaasi oo ah nooca wax bamb-gareeya ee B52 ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen saddexdii Askari ee la socotay.

Toogashadaasi ayaa la sheegay inay dhacday Waaberigii hore ee saakayto, xilli ay Diyaaradaasi ka duulaysay Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Shawarab  oo ku yaalla Degmadda Washiir ee Gobalka Helmand ee Koonfurta Afganistan.

Dhinaca kale, Dowladaha Maraykanka iyo Afganistan weli kama aysan hadlin sheegashadda Ururka Daalibaan eek u aadan inay  soo rideen Diyaarad Dagaal oo nooceedu ahaa B52.

Bishan April 8-dii, 3 Askari oo u dhalatay Maraykanka iyo Qandaraasle ayaa lagu dilay qarax miino oo ka dhacay meel ku dhow Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Bagram ee dalka Afganistan..

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media