Urur Goboleedka IGAD,oo Wakiil u soo magacaawday Soomaaliya

Madaxda Urur Goboleedka IGAD,ayaa waxa ay Wakiil Cusub u soo magacaabeen dalka Soomaaliya kaas oo bedeli doona Wakiilkii hore Maxamed Cabdi Afeey.

Wakiilka Cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo,kaas oo xiligan wixii ka dambeeya ah Wakiilka Urur Goboleedka IGAD,ee dalka Soomaaliya.

Wakiilkii hore ee Urur Goboleedka IGAD,ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey,ayaa waxaa Qaramada Midoobay ay horay ugu magacaawday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya iyadoo aan ka qaadin xilkaas.

Ugu dambeen Wakiilka cusub ayaa waxaa loogu baaqay in uu dardar geliyo xiriirka wanasgan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Wakiilkaan Cusub ayaa la filayaa in uu dhawaan xilkaas kala wreego Maxamed Cabdi Afey,maadaama aan weli la shaacin cidii bedeshay markii loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Qaxootiga.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media