Hay’adda QM ugu qaabilsan Daryeelka Carruurta ee UNICEF (The United Nations Children’s Fund (UNICEF)ayaa soo saartay Warbixin dheer oo ku aadan inay Gabdhaha ku nool Caalamka qabtaan shaqooyin dheerad ah, marka loo eego Wiilasha ay isku da’da yihiin.
Warbixinta UNICEF ayaa lagu sheegay inay 160-million oo gabdho ah ku nool yihiin Caalamka, iyadoo kuwa ay da’dooda u dhexeyso 5 jir ilaa 14 jir qabtaan shaqo aan wax lacag ah lagu siinin, taasi oo 40% ka waqti dheer shaqooyinka ay Wiilasha qabtaan.
Warbixinta ayaa lagu xusay inay gabdhaha qabtaan shaqooyin ay ka mid yihiin ururinta qoryaha lagu shito dabka, Adeegga Guriga, Biyo-dhaaminta iyo shaqooyinka kale.
Warbixintan ayaa lagu xusay in Gabdhaha Soomaalida ee ay da’doodu u dhexeyso 10 jir ilaa 14 jir waqtiga ugu badan ku bixiyaan Toddobaadkiiba Hawl-maalmeedka, iyagoo isbuucii shaqeeya 26 saacadood.
Warbixinta waxay kaloo walaac xooggan ka muujisay Gabdhaha iyo Haweenka qabta Shaqooyinka Adeegga Guryaha (Jaariyadda) loo geysto Tacadiyo, inay shaqeeyaan saacado dheeraad iyo in lagu dhibo Lacagta yar oo ay ku shaqeeyaan.
Warbixinta Hay’adda UNICEF ayaa lagu soo beegay Munaasbadda Maalinta Gabdhaha ee Caalamka oo loo dabaal degi doono bishan October 11-da.
©Radio Dalsan