• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 9, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Ukraine oo sheegtay guul weyn kaddib weerarkii ugu ballaarnaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka

Ilhaan by Ilhaan
June 2, 2025
in Caalamka, Warar
Reading Time: 2 mins read
A A
Ukraine oo sheegtay guul weyn kaddib weerarkii ugu ballaarnaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka
997
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ukraine ayaa sheegtay inay guul weyn ka gaartay weerarkii ugu weynaa uguna fogaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanka lagu qaaday dalkeeda sannadkii 2022. Weerarkan oo la sheegay inuu ahaa mid si weyn loo qorsheeyey ayaa lagu bartilmaameedsaday afar saldhig militari oo Ruushka leeyahay.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in weerarkan oo loo adeegsaday 117 diyaaradood oo aan duuliye lahayn (drone) uu sababay burbur weyn oo gaaray saldhigyada ciidamada cirka ee Ruushka. Sida uu sheegay, ilaa 40 diyaaradood oo ah kuwa weerarrada meelaha fog laga geysto ayaa lagu burburiyey hawlgalkan.

Zelensky ayaa xusay in howlgalka, oo lagu magacaabay ‘Xuubka Caarada’, ay si qarsoodi ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka ee SBU. Wuxuu intaas ku daray in la burburiyey 34% diyaaradaha Ruushka ee xambaara gantaallada ridada dheer ee nooca “strategic cruise missile”.

Ilo ku dhow sirdoonka Ukraine ayaa warbaahinta u sheegay in diyaarinta hawlgalkan ay qaadatay hal sano iyo bar. Diyaaradaha drone-ka ayaa la geliyey gudaha Ruushka iyadoo lagu dhuumanayey sanaadiiq alwaax ah, waxaana lagu qariyey goobo u dhow bartilmaameedyada, ka hor inta aan si isku dubbaridan loo weerarin saldhigyada laga soo abaabulo duqeymaha cirka.

Dhinaca kale, dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay in weerarro lagu qaaday shan gobol oo ka tirsan dalkaas, waxayna ku tilmaantay dhacdadan mid “argagixisanimo ah”.

Previous Post

Galmudug President Launches Voter Registration Drive for One-Person, One-Vote Elections

Next Post

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Ilhaan

Ilhaan

Related Posts

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo La Kulmay Haweenka Soomaaliyeed

July 9, 2025
SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta
Warar

SOMWA & FESOJ oo Qabtay Aqoon-is-weydaarsi :Xorriyadda Saxaafadda & Badbaadada Suxufiyiinta

July 9, 2025
Next Post
Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ku beegsaday ISIS-Somalia

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay Shir-Cilmiyeedka 3-aad ee Madasha Horumarinta Bariga Afrika, isagoo...

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan  Muuse Salaad Wehliye ayaa madax ka socotay dowlad deegaanka Soomaalida kala wareegay Saanad ciidan oo loogu tala...

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

by Ilhaan
July 9, 2025
0

Madaxweynaha dalka Comoros Mudane Azali Assoumani, ayaa warqadaha Aqoonsiga ah ka gudoomey Safiirka JFS ufadhiya Tanzania iyo EAC, oo sidoo...

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

by Liban
July 9, 2025
0

The President of the Union of the Comoros, H.E. Azali Assoumani, has officially received the credentials of the Ambassador of...

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
Warar

Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
Warar

Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
Warar

Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC
English News

President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia
English News

SOMWA, FESOJ Hold Workshop on Press Freedom and Journalist Protection in Somalia

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Warar

Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaaraha oo Ka Hadlay Jiheynta Dalka iyo Xoojinta Dowladda
  • Dowlad deegaanka Soomaalida oo hub ku wareejisay guddoomiyaha Hiiraan
  • Madaxweynaha Comoros oo Aqbalay Warqadaha Safiirka Soomaaliya
  • President of Comoros Receives Credentials from Somali Ambassador to Tanzania and EAC

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00