Ukraine oo munaafaqnimo ku tilmaamtay Amar uu soo saaray Madaxweyne Putin

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii ku dhawaaqay xabbad-joojin socon doonta 36 saacadood, taas oo uu ku amray ciidamadiisu inay joojin weerarada ay ka wadaan Ukraine, inta lagu jiro fasaxa mad-habta Orthodox ee diinta Kiristaanka.

Dad badan oo haysta diinta masiixiga gaar ahaan Orthodox oo qaarkood ay ku nool yihiin Ruushka iyo Ukraine ayaa maalmaha Jimcaha iyo Sabtida ee bishan January ay tahay 6 iyo 7, waxay u dabaal degaan xuskooda gaarka ah.

Patriarch Kirill oo ah madaxa kiniisadda Orthodox ee ku taalla dalka Ruushka, si weyna u taageera duulaanka Putin ee Ukraine, ayaa maalinimadii Khamiista wuxuu labada dhinac ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan xilliga fasaxa ee diinta Kiristaanka, hase ahaatee waxaa arrintan diiday xukuumadda Ukraine oo ku tilmaantay inay tahay shirqool.

Ukraine ayaa amarka Putin ku tilmaantay inuu yahay mid ay ka muuqato munaafaqnimo.

Illaa haatan dawladda Maraykanku kama hadlin arrintan. Dhinaca kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa u sheegay madaxweyne Putin inuu la yimaado xabbad joojin hal dhinac ah.

Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor