Ukraine oo dalab culus hordhigtay Iiraan oo taageero siineysa Dowladda Ruushka

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegay in uu Tehran ka dalbaday in ay joojiso hubka ay siiso Ruushka mar uu taleefoon kula hadlay dhiggiisa Iran Hossein Amirabdollahian.

“Waxaan ka dalbaday Iran inay si degdeg ah u joojiso qulqulka hubka ku socda  Ruushka ee loo isticmaalo in lagu dilo dadka rayidka a,h laguna burburiyo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine,” ayuu yiri.

Kyiv ayaa sheegtay in Ruushku uu adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed-136 ee Iran lagu sameeyay,iyadoo sidoo kale saraakiisha xulafada reer galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay siisay Ruushka waxa loogu yeero “kamikaze” diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo dhawaan loo adeegsaday burburinta kaabayaasha Ukraine.

Iran ayaa si adag u beenisay inay wax hub ah oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u dirtay Ruushka.

Todobaadyadii la soo dhaafay Ruushka ayaa mowjado gantaalo ah iyo duqeymo diyaaradeed adeegsaday, iyaga oo garaacay kaabayaasha tamarta ee Ukraine, waxa ayna ku qasbeen in korontada laga gooyo Kyiv iyo magaalooyinka  kale.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor