Uhuru Kenyatta oo ugu baaqay Midowga Europe inay Hawlgalka AMISOM ka taageeraan La-dagaalanka Alshabaab.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hadalka ka sheegay Khudbad uu ka jeediyey Furitaanka Shirka 32-aad ee Barlamaanadda Isku-dhafka ee dalalka Afrika, Carribean, Passific iyo Midowga Europe, kaasi oo shalay ka furmay magaalladda Nairobi.

Waxa uu ku booriyey Midowga Europe inay kordhiyaan Taageeradda ay siiyaan Hawlgalka AMISOM si ay uga guuleystaan Dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Uhuru waxa uu carrabka ku dhuftay inay Alshabaab cabsi-gelin ku hayaan Deganaanshaha Caalamka iyo kan Gobalka, isla markaana ay muhiim tahay inay Caalamka taageeraan Hawlgalka AMISOM, waa sida uu Uhuru Kenyatta ka sheegay Shirkaasi.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, xilli ay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen weeraradda ay ka geystaan gudaha dalka Kenya iyo Hawlgalladda kale ee ay la beegsadaan Ciiddanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa e eay Dagaalamayaasha Alshabaab u geystaan Askarta Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalaka AMISOM ayaa ahaa Weerarkii bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan lagu qaaday Saldhig ay Ciiddankaasi ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo, laguna dilay in ka badan 100 Askari.

Dowladda Kenya ayaan weli si rasmi ahaan u xaqiijinin Askartii looga dilay Xeradaasi, waana khasaarihii ugu xumaa ee Askar Kenyan hal maalin lagu dilo hal goob.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor