Uhuru Kenyatta oo sheegay in Ciiddanka ka joogo Somalia uu xil ka saaran yahay sidii ay Alshabaab uga difaaci lahaayeen dadka Kenyaanka

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciiddanka Kenyaanka ee ku sugan gudaha Somalia mas’uuliyad ka saran tahay sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen Khataraha, wuxuuna xusay inay Dowladda kordhin doonto taageeradda ay siiyaan Milliteriga Kenya.

“Waxaad taagan tihiin aagga hore ee dagaalka, si aad u difaacdaan dalkeenna, sidaasi si la mid ah waxaa annaga mas’uul naga saaran yahay inaan wax kasta idinku taageerno” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo ammaanay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxa  uu intaasi ku daray inay Ciiddanka u ballan qaadeen  inuusan Hawlgalka Ammaanka ee Somalia ahayn oo keliya Deganaanshaha Somalia, balse ay qeyb ka tahay sidii ay ilaalo uga noqon lahaayeen Ammaanka dadka Kenyaanka.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ay Askarta Kenya ogaadaan in cabsida Alshabaab ahayn mid khatar iyo deganaansho la’aan ku ah Somalia, balse ay khatarta Alshabaab ka soo gudubeen xuduudka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladiisa dhowr jeer ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga soo wada saaro gudaha Somalia, si looga nabad galo Hawlgalladda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor