Uhuru Kenyatta oo Madaxweyne Barack Obama kala hadli doono Xaqiijinta Ammaanka iyo La-dagaalanka Alshabaab

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in qoddobaadda ugu muhiimsan ee uu kala doono Madaxweynaha dalka Maraykanka tahay Xaqiijinta Iskaaashiga Ammaanka, Ganacsiga iyo La-dagaalanka Alshabaab.

‘Dagaalka La-daagaalanka Alshabaab iyo Argagixisadda kale awaxa uu udub-dhexaad u noqonayaa qoddobadda aan kala haadli doono Obama’ ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

Waxa uu  intaasi ku daray inay si dhow oo iskaashi leh ula shaqeeyaan Hay’addaha Maraykanka,  inkastoo uusan faahfaahin dhinacyadda ay iska kaashadaan.

Kenya oo dalalka Reer Galbeedka isbahaysi kala leh La-dagaalanka Alshabaab ayaa waxay Hay’addaha Ammaanka ee Kenya tababaro iyo qalab ka heleen Dowladaha Maraykanka, Britain iyo Yuhuudda.

Madaxweyne Kenyatta waxa kaaloo u utilmaamay inuu Obama kaala hadli doono sidii ay Diyaaradaha Maraykanka duullimaadyo toos ah ugu imaan lahaayeen Kenya.

Saraakiisha Ammaanka ee Maraykanka ayaa rumeysan yihiin inaan la isku halayn Karin amamanka Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airtport ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka oo Waalidkiisa asal ahaan ka soo jeedaan Kenya ayaa  la filayaa inuu maalinta Jimcaha ee soo socoto booqasho saddex maalmood ah ku tago magaalladda Nairobi, si uu ula kulmo Madaxda dalkaas, kana qeyb galo Shirweyne Caalami oo looga hadlayo Ganacsiga Xorta ee Caalamka (GES).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor