Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah ula xiriiro Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo, si loo xaliyo Khilaafka Diplomaasiyadeed iyo Muranka Xuduud-baddeedka u dhexeeya labada Waddan.
Mas’uulkaasi waxa uu sheegay in Deeqaha la siiyo Somalia uu kaalin weyn ka qaato Dhaqaalaha Kenya, isla markaana loo baahan yahay in la joojiyo khilaaf kasta ee horseedi kara jahwareer ku yimaada Ganacsiga labada Waddan ee deriska ah.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Kharaj-bixinta Somalia ka timaado, iyadoo Kenya uga imaanayso Hay’addaha Caalamiga oo ay ku jirto QM iyo Safaraadaha.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Senator Moses Wetang’ula waxa uu caddeeyey in qaar ka mid ah lacagaha Kaashka ee loo diro Somalia ay ugu dambayntii ku soo gebageboobaan Dhaqaalaha Kenya.
“Sidaynu mar kastaba sheegno, ma dooran kartid deris. Deriskaaga mar kasta waxa uu joogayaa halkaasi” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Kenya.
Waxa kale oo uu tilmaamay inay Somalia iyo Kenya casharo ka baran karaan sida ay Dowladaha Tanzania iyo Malawi u xaliyeen Khilaafkooda Xuduudka Harada Lake Nyasa, kadib, markii ay Labada Madaxweyne Guddi u saareen xalinta Khilaafkaasi.
Sidoo kale, waxa uu xusay in Khilaaf noocaasi ahaa la xaliyey markii uu ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibedda, kadib, markii uu isaga kula taliyey Madaxweynihii hore ee Kenya, Mwai Kibaki inuu la xiriiro dhigiisa Somalia, isla markaana ay labada dhinac wada gaareen Heshiis, waa sida uu hadalka u dhigay.