• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, June 23, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Uhuru Kenyatta “Dhibaatooyinka Afrika waa in loo helaa xal Afrika ka yimaada”

Bilan Media by Bilan Media
September 26, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Saacado un kadib markii Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay shaacisay in Magaalada New York ee dalka Mareykanka ay ku kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo u kullankaas uu ku wehliyo Madaxweynaha Masar, Cabdul-Fataax Al Sisi ayaa Dowladda Kenya waxaa ay iyadan dhankeeda shaacisay shirkaas iyo waxyabihii la isla soo hadal qaaday.

Kenya ayaa sheegtay in madaxda Afrikaanka ay isla soo hadal qaadeen danaha ka dhaxeeya dalalka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

“Madaxweyne Kenyatta waxaa uu Madaxweyne Al Sisi uga mahadceliyay shirka, wuxuuna sheegay in Kenya ay marwalba u ololeyso wadaxaajood , ayna u ololeyn doonta wadahadal, iyadoo laga duulayo joogteynta isdhexgalka qaaradda Afrika”, ayaa lagu sheegay war qoraal ah oo lagu daabacay bogga madaxtoyada Kenya ay ku leedahay Facebok.

Madaxweye Kenyatta waxaa uu carabka ku adkeeyay in ka qaarad ahaan, Afrika ay marwalba raadiso xalka dhibaatooyinka heysta Afrika.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Monica Juma ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay : “Kenya waxay soo dhoweyneysaa kullankii ugu horreeyay ee dhanka saxda ah loo qaaday. Kenya markasta way aaminsan tahay, wayna sii wadeysaa in ay ku baaqdo in loo wadahadlo qaabka ugu wanaagsan oo xal Afrikaannimo ah loogu dhameynayo dhibaatada Afrika”

Wadahadallo saddex geesood ah oo ay Magaalada New York ee dalka Mareykanka ku yeesheen Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in uu kusoo dhamaaday is faham.

Arrinkan ayaa waxaa lagu shaaciyay bogga Facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia.

Kulankan oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, ahna Madaxweynaha Masar Cabdulfataax Al Sisi ayay dowladda Soomaaliya sheegtay in la isku raacay in xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo heerkii uu taagnaa bishii Febraayo ee sanadkan, lana qaado tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu dhisayo kalsoonida labada dowladood iyo shacabka.

Madaxweynayaashu waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi isku dhaf ah oo ka kooban labada dhinac kuwaas oo ka shaqeyn doonaa ka mira dhalinta isafgaradka haatan la gaaray.

Sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku adkeysatay in kiiska badda go’aan kiisa loo daayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, taas ay shegeen in la isku waafaqay.

Kenya ayaa marar badan ku adkeysatay in kiiska dacwadda badda laga soo celiyo maxkamadda, oo is-afgarad lagu dhameeyo.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa gaaray halkii ugu xumeyd gaaray bishii February markii ay dowladda Kenya u yeeratay safiirkii u jooga Muqdisho, halka kan Soomaalida na ay ku amartay in uu dalkiisa ku laabto.

Waxay ka dambeysay Kenya oo ku doodaysa in Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay. Soomaliya ayaa arrintaa si kulul u beenisay.

Kulanka New York ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada hogaamiye tan iyo bishii March markaas oo ay ku kulmeen magaalada Nairobi. kuna heshiiyeen inay soo celiyaan xiriirka labada dal, sida uu sheegay ra’isilwasaaraha Itoobiya Aby Axmed oo labada dhinac dhexdhexadinayay.

Balse tan iyo markaasi waxaa dhacay dhacdoyin loo arkayay inuu dhaawac ku yahay xiriirka labada dal sida Kenya oo dib u billowday inay diyaardaha Soomaaliya soo maraan Wajeer, iyo Soomaaliya oo dalabatay in shirarkii Nairobi ka dhici jiray qeyb ka mid ah loo wareeiyay dalalka kale ee deriska ah.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2014-ka ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya, iyaddoona dooneesay in soohdinta badda ee labada dal la waafajiyo tan barriga.

Previous Post

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo

Next Post

Dhageyso:- Heshiiska Beelihii ku dagaalamay Xeraale iyo Huurshe oo la dhamays tiray

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

June 22, 2025
Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad
Warar

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Shaaciyay Xiritaanka Kalfadhiga 6aad

June 21, 2025
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed
Warar

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Dib Loo Dhigay, Xuska Xorriyadda Awgeed

June 21, 2025
Next Post

Dhageyso:- Heshiiska Beelihii ku dagaalamay Xeraale iyo Huurshe oo la dhamays tiray

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaas oo uu kulan siyaasadeed...

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Salaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed muhiim ah...

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Diyaarado dagaal oo aan weli la shaacin dalalka ay ka socdaan ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay saldhigyo ay kooxda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

by Ilhaan
June 22, 2025
0

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu biirtay dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kadib markii diyaaradaha...

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
Warar

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
Caalamka

Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
Warar

Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali Government Airstrikes Destroy Al-Shabaab Car Bombs in Aadan Yabaal
English News

Somali Government Airstrikes Destroy Al-Shabaab Car Bombs in Aadan Yabaal

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ahmed Madobe Lands in Garowe to Revive Political Alliance with Puntland Amid Federal Tensions
English News

Ahmed Madobe Lands in Garowe to Revive Political Alliance with Puntland Amid Federal Tensions

June 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo kulan gaar ah ku yeelanaya Garoowe
  • Soomaaliya iyo Kuwait oo ka wadahadlay Xaalada Siyaasada iyo amniga Gobolka
  • Duqeymo cirka ah oo lagu burburiyay saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Aadan Yabaal
  • Mareykanka oo si toos ah ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00