Ugu yaraan 30 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Isbitaal ku yaalla Kaabul..

Saraakiisha Wasaaradda Difaaca ee dalkaasi ayaa xaqiijisay inay Kooxo hubeysan soo weerareen Isbitaalkaasi oo ku yaalla Deegaanka Wasir Akbar Khaan ee magaalladda Kabul.

Deegaankaasi waxaa kaloo ku yaalla Dhismooyin Dowladeed iyo Safaarado shisheeye, iyadoo si xooggan loo adkeeyey ammaankeeda.

Qaraxyo iyo Toogasho ka dhacday Isbitaalkaasi ayaa lagu dilay ugu yaraan 30-qof, iyadoo Labaatameeyo kalena lagu dhaawacay.

Dableyda weerarka geysatay ayaa u labisnaa sidii Dhakhaatiirta oo kale, waxayna qabsadeen Dabaqyadda sare ee Isbitaalka, iyagoo iska caabiyey Ciiddamo Khaas ah oo loo soo diray.

Afhayeenka Gaashaandhigga dalkaasi, Dalat Waziri ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera inay dableyda  oo ku hubeysnaa Qoryaha Darandooriga u dhaca iyo Bambo-gacmeedyo soo galeen Isbitaalkaasi oo ah kan ugu weyn Isbitaalladda ku yaalla Kaabul.

Ururka Daalibaan oo horey u fuliyey weeraro noocaasi ah ayaa beeniyey inay ka dambeeyeen Weerarkaasi oo dhacay isbuuc kadib, markii 16 qof lagu dilay  Is-qarxin ay Daalibaan ka geysteen magaalladda Kabul.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media