Ugu yaraan 27-qof oo ku geeriyootay Qaraxyo Mataano oo ka dhacay caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad.

Qaraxyadaasi waxay saakayto ka dhaceen Dukaaman lagu iibiyo Qalabka Dayactirka Biraha Baabuurta oo dhex ku yaalla Suuqa saxmadda badan ee Al-sinaak ee Bartamaha magaalladda Baqdaad.

Sarkaal u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi ayaa sheegay in mid ka mid ah Qaraxyadaasi ahaa Is-qarxin, halka qaraxa labaad uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

Ugu yaraan 21 qof ayaa ku geeriyootay, iyadoo 43-kalena ku dhaawacmeen qaraxyadaasi.

Ammaanka magaalladda Baqdaad waxaa la adkeeyey bishii October 17-dii, xilligaasi oo uu bilowday Hawlgalka Milliteri ee Maleeshiyadad Kooxda Daacish looga saarayo magaalladda Mosul ee Waqooyiga dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor